Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo loo jeediyey eed la xiriirta Soomaaliya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul wasaaraha haatan jooga ee Pakistan, Imran Khan, ayaa mas'uulkii xafiiska kaga horeeyay wuxuu ku qaadey weerar afka ah isagoo eedaha uu u jeediyey ay mid kamida la xiriirtay Soomaaliya.

Khan ayaa Jimcadii wuxuu hadal-jeedin ka sameeyay kulan aqoon-is-weedaarsi ah oo xarunta shirarka ku qabatay Madasha Qareenada Pakistan.

Xilli uu adeegsaday luuqad adag, Khan ayaa Nawaz Sharif oo ahaa ra'iisul wasaarihii ugu xil-heynta dheeraa Pakistan wuxuu ku eedeeyay in uu si bareer ah isaga indha-tiray dhibaatada ka taagan gudaha Soomaaliya.

"Xaqiiqadii Nawaz Sharif wuxuu karaar-siinayey ajendaha Hindiya ee sawir-xumeynta Ciidamada Pakistan, wuxuuna iska-indhatiray xaalada wadamada sidda Libya, Soomaaliya iyo Yemen oo wajahayey maqnaanshiyaha ciidan milatari oo xoogan," ayuu cod dheer ku sheegay Imraan Khaan.

Wuxuu intaas ku daray: "Aniga wax dhibaato ah kuma qabo ciidamada sababtoo ah waxay taageeraan siyaasadeena, waxayna si wax ku ool ah u caawiyeen dowladda inta lagu guda jiro Covid-19 iyo roobabkii Karachi".

Nawaz Sharif oo Maxkamada Sare ee Pakistan ay xafiiska uga eriday in uu ku kacay musuqmaasuq ayaa saddex oo xiriir ah ku guuleystay tartanka madaxtinimada kahor inta uusan awooda hantin Imran Khan.

Pakistan iyo Soomaaliya oo leh xiriir soo jireen ah isla markaana kawada tirsan Ururo uu kamid yahay Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana dalkaas arrimo ay kamid yihiin waxbarasho ugu sugan shaqsiyaad Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM