Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan oo loo jeediyey eed la xiriirta Soomaaliya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul wasaaraha haatan jooga ee Pakistan, Imran Khan, ayaa mas'uulkii xafiiska kaga horeeyay wuxuu ku qaadey weerar afka ah isagoo eedaha uu u jeediyey ay mid kamida la xiriirtay Soomaaliya.

Khan ayaa Jimcadii wuxuu hadal-jeedin ka sameeyay kulan aqoon-is-weedaarsi ah oo xarunta shirarka ku qabatay Madasha Qareenada Pakistan.

Xilli uu adeegsaday luuqad adag, Khan ayaa Nawaz Sharif oo ahaa ra'iisul wasaarihii ugu xil-heynta dheeraa Pakistan wuxuu ku eedeeyay in uu si bareer ah isaga indha-tiray dhibaatada ka taagan gudaha Soomaaliya.

"Xaqiiqadii Nawaz Sharif wuxuu karaar-siinayey ajendaha Hindiya ee sawir-xumeynta Ciidamada Pakistan, wuxuuna iska-indhatiray xaalada wadamada sidda Libya, Soomaaliya iyo Yemen oo wajahayey maqnaanshiyaha ciidan milatari oo xoogan," ayuu cod dheer ku sheegay Imraan Khaan.

Wuxuu intaas ku daray: "Aniga wax dhibaato ah kuma qabo ciidamada sababtoo ah waxay taageeraan siyaasadeena, waxayna si wax ku ool ah u caawiyeen dowladda inta lagu guda jiro Covid-19 iyo roobabkii Karachi".

Nawaz Sharif oo Maxkamada Sare ee Pakistan ay xafiiska uga eriday in uu ku kacay musuqmaasuq ayaa saddex oo xiriir ah ku guuleystay tartanka madaxtinimada kahor inta uusan awooda hantin Imran Khan.

Pakistan iyo Soomaaliya oo leh xiriir soo jireen ah isla markaana kawada tirsan Ururo uu kamid yahay Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana dalkaas arrimo ay kamid yihiin waxbarasho ugu sugan shaqsiyaad Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM