Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Xasan Abshir Faarax ayaa Axadda maanta ah wuxuu ku geeriyooday waddanka Turkiga, sidda ay xaqiijiyeen xubnaha qoyskiisa.

Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey dalkaas ayaa ahaa siyaasi rug-cadaa ah isla markaana wuxuu soo qabtay xilal kala duwan.

Jagooyinka uu soo qabtay waxaa kamid ah duqa magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, dowladdii uu hogaaminayey madaxweyne Siyaad Barre.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland ee xubinta ka ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu sidoo kale soo noqdey.

Intii u dhaxeysay November 12, 2001 illaa iyo December 8, 2003, Faarax ayaa wuxuu soo qabtay xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ayuu sidoo kale soo noqdey marxuumka oo kamid ahaa aas-aasayaashii Puntland.

Alle ha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax ayaa 20-kii June sanadka markii uu ahaa 1945 wuxuu ku dhashay magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Dhanka kale, ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa u rajeeyay naxariista EBBE iyo in uu ka waraabiyo janada.

"Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra'iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo," ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Geeridiisa waxay kusoo aadeysaa xilli uu xalay caasimadda Kenya ee Nairobi uu ku geeriyooday madaxweynihii 2aad ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM