Rayid ku nafwaayey qarax miino oo ka dhacay duleedka Jowhar

Image
Ma jiro weli wax faah faahin ah oo maamulka Hirshabeelle ka bixiyeen dhacdadaasi.

JOWHAR, HirShabelle - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay deegaanka Libiga ee duleedka magaaladda Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay in qaraxa oo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah ay ku dhinteen labada qof oo beeraley ah oo saarnaa mooto.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo loo maleynayo in bartilmaameedku ahaa ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meesha kasoo qaaday meydadka labada ruux.

Illaa haatan, cidna ma qaadan mas'uuliyada falkan. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo maamulka Hirshabeelle ka bixiyeen dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeri ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey degaanadadda HirShabelle xilli ay socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha golaha shacabka.

Bishii hore, Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax Isniinta maanta ah ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Jowhar oo ah degaan doorashadda koowaad ee HirShabelle waxaa qorshuhu yahay in ay dib uga bilaabato xulista wakiilada Aqalka Hoose maadaama asbuucyadii dambe hakad la geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM