"Reerkii lahaa xilka ra'iisul wasaaraha hadey rabaan codkooda hala maqlo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Puntland ayaa miiska saartey fursad dib loogu dhigi lahaa shirka Dhuusamareeb 3 si madaxweyne Farmaajo uga soo baaran dago ra'iisul wasaaraha cusub, sidda uu shaaciyey Saciid Cabdullaahi Deni.

Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa kasoonida kala noqdey xukuumadii Xasan Cali Khayre maalmo kadib markii madaxda dowlada federaalka iyo maamulada ay heshiis ku gaareen shirkii Dhuusamareeb 2.

Heshiiskaas waxaa ku jiray in 15-ka August ay isugu yimaadaan Dhuusamareeb3 si wada ogol uga gaaraan nooca doorashooyinka. Guddi farsamo oo dhinacyadda u saareen nooca coddeynta ayaa warbixin laga sugayey.

Puntland iyo Jubaland oo iska fogeeyay natiijo kasoo baxdey shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa qeexay in ka qeybgalkiisu u diideen in aysan dalka ka jirin xukuumad rasmi ah iyo in lagu tuntay heshiisyadii horey loo gaarey.

Isagoo Khamiista maanta ah ka hadlayey fadhi uu Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku yeeshay Muqdisho, Deni ayaa jawaabay su'aal uu doodaas ka waydiiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale [Qaydiid].

Madaxweyne oo qiray in aysan qorshaha ugu jirin in DhuusamareebIII ay isugu soo laabanayo iyaddoo xukuumaddii la riday ayaa xusay in Puntland ay ka fogaatay talo ay ku yeelato ra'iisul wasaaraha cusub ee soo aadan.

"Waana u sheegey madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo dowlada federaalka intaba. Waxaa ku iri 'shirkii kaa ka horeeyay ee Garowe ka dhacay, waxaa loo balansanaa bisha saddexaad, wuxuu qabsoomay bishii 11aad, laba bilood buu dib u dhacay, ceebna kama imaan, hadii isbuuc dib loo dhig oo howshaa lasoo xalinayo, waxba naga carari maayaan, shaqada unbaa noogu qurxoonaaneysa' markii dambe waxaan u muuqanay Puntland oo kaliya in ay arrintaas ka hadleyso rag badan oo saaxiibadey ah oo aan is aragnay waxay igu yiraahdeen niyow maxaa adiga kaligaaga kaa qeylo-siinaya maad caadi iska dhigtid warkaasaa baryahaan batee," ayuu u sheegay Senate-ka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay u hogaan-sameyso awood-qeybsiga xilalka ugu sareeya waddanka.

"Marka, waxa waa la kala qeybsadaa, reerkii lahaa hadii aysan raadineyn, aniga ruuxadeyda waxaan is iri tan ma rabaan raggu ka gudub, laakiin sidaa aad hadda u sheegtey [Cabdi Qaydiid] oo bahasha [xilka ra'iisul wasaaraha] daneyneysaan, hadda codkiina si fiican haloo maqlo," ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay gedaal ka riixeysay riditaanka xukuumadii Khayre ayaa qorshaha ay ka damacsan tahay waxaa lagu sheegay in ay xilka ra'iisul wasaaraha ku gasho gorgortan, kuna hesho kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM