Riditaanka xukuumadda Khayre: Fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo siyaasada Soomaaliya aysan ku cusbeyn, waayihii is-xulafeysiga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ayaa kusoo gabagaboobay fadhigii Sabtidii ee Golaha Shacabka.

Isagoo xafiiska joogay qiyaastii 1,240 maalmood laga soo bilaabo 23-kii Febraayo, 2017 oo la magacaabay, Khayre oo go'aanka xilka ka xayuubinta Aqalka Hoose ku sifeeyay "sharci darro" ayaa sheegay in uu is-casilay.

Xilli uu go'aankaas ku sifeeyay mid salka ku haya "feker muddo kororsi" oo guddoonka iyo Madaxtooyadda isla og-tahay, Khayre ayaa ku doodey in uu shaqada uga tegay "si uusan qayb uga noqon khalkhal".

"Anigoo og in wixii ka dhacay Golaha Shacabka aan loo marin habraaca xil ka qaadis xukuumadeed uuna salka ku hayo fekerka muddo kororsi, waxaan iska casilay xilkii aan u hayey Umadda Soomaaliyeed si aan qayb uga noqon khal-khal siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale," ayuu shaaciyey.

Farmaajo oo mar sii horeysay aqbalay go'aanka Aqalka Hoose ayaa Mahdi Maxamed Guuleed u magacaabay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah. Mahdi wuxuu ku xigeen u ahaa Khayre, balse siyaasadda ayaa ka dirtay.

Marka laga soo tago dooda sharciyadda, riditaanka ama tagitaanka xukuumadda Khayre waxaa ku geedaaman fursado iyo caqabado hadba ku xiran qaabka ay u maareeyaan hogaamiyeyaasha ugu tunka weyn siyaasada.

Fursadda iyo caqabadaha

Talaabadaan ayaa dhabaha u xaari karta in dalka ka baxo jahwareerka siyaasadeed ee hadda uu ku jiro isla markaana ay bilowdaan wadahadalo dhab ah oo lagu maareynayo mar-xaladdan kala guurka ah.

Inkasta oo xisbiyadda mucaaradka iyo Mareykanka ay durba qaadaceen hanaanka loo eryay Khayre, haddana hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa ku qasbanaan doona in ay wadahadlaan una bilowday gorgortan dhab ah.

Waqtiga ayaa kala caddeyn doona cidda dabcin doonta mowqifkeeda. Villa Soomaaliya oo taageero ka haysata xubno kamid ah Beesha Caalamka waxay ku taagan tahay qof iyo cod, halka dhinaca kale diidan yahay.

Caqabadaha ayaa kasoo if-bixi doona hadii dhincyada ku guuldareystaan in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan, ayna gaari waayaan heshiis mideysan oo lagu yagleelo dowlad midnimo qaran oo loo dhan-yahay.

Falanqeeyeyaasha ayaa soo jeediyey in Ururada Bulshadda Rayidka oo dhexdooda kala qeybsan la siiyo door "isku soo jiid-jiiditaan ah".

"Shirka Dhuusamareeb waxay ku tahay ul lagu tuuray meel mugdi ah," ayuu qiray falanqeeye Ibraahim Bursaliid oo aaminsan in riditaanka xukuumadda ay waxba kama jiraan kasoo qaadeyso go'aankii shirka Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM