Roob gaystay khasaaro hantiyeed oo ka da'ay nawaaxiga degmada Buuhoodle

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Khasaaro hantiyeed ayaa laga soo sheegayaan tuulo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ka dib Roobab laxaad leh oo xalay ka da'ay.

Roobka ayaa la sheegay inuu qiyaastii da'ayay ilaa Shan saacadood oo xiriir ah, wuxuuna sameeyay daadad xooggan oo kalifay in dadku ka baxaan guryahooda.

Tuulada  Bandan oo 24 kilomitir dhanka bari ka xigta magaalada Buuhoodle, ayaa ka mid ah meelaha daadadka Roobkaasi saameeyay, waxaana dadka deegaanku sheegayaan in gabi ahaan buuxsameey guryihii hantidu u taallay.

Xasan Faarax waxa uu ka mid yahay dadka deggan tuuladaasi, BBC-da uyuuna u sheegay in goobihii ganacsiga iyo gabi ahaanba tuulada Biyo dhexfadhiyaan dadkuna ku suganyihiin banaanka tuulada.

Qaybo kale oo ka mid ah deegaanada Puntland ayaa xalay Roobsaday, waxayna ku soo beegmasaa xilli ay jirto abaar iyo biyo la'aan kaliftay in Puntland ku dhawaaqdo xaalad dag dag ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM