Rooble: Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekh kama aqbalayo

Image

SOUTH AFRICA - Maxamed Xuseen Rooble, oo dalka Ra'iisul Wasaare kasoo noqday 2020-2022 ayaa ka hadlay is-hortaag ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku sameysay safarkiisa South Africa iyo arrimo kale oo nidaamka doorashadda uu wato Xasan Sheekh ay ku jiraan.

Isagoo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa, ayuu Rooble sheegay in aan loo aqbali karin doorasho aan loo dhamayn, islamrkaana aan heshiis lagu ahayn dhamaan dhinacyada saamileyda siyaasadda dalka.

Rooble ayaa tilmaamay in doorashooyinka dalka ee mustaqbalka ay tahay in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo waqtigooda ku dhacda, taas oo ka dhigan in la helo nidaam siyaasadeed oo heshiis lagu yahay iyo dowlad shacabka ka turjumaysa.

"Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekhna kama aqbalayno," ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda iyo dowlad-goboleedyada ay mararka qaar u muuqdaan kuwo ka shaqeynaya danahooda gaarka ah, halkii ay ka ilaalin lahaayeen danta guud. Rooble ayaa muujiyay inuu ku jiro damac ah inuu xilka Madaxweynaha u tartamo doorashadda soo socota.

Marka laga hadlayo doorashada madaxtinimo ee soo socota, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa wuxuu wax-qabad ka dhiganayaa inuu dalka doorashadiisa badbaadiyay 2022, oo dagaal la galay Farmaajo oo xiligaas isku dayay labo sano inuu ku darsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM