Rooble: Dilka xildhibaan Aamina waxa uu daba socdaa kiiska Ikraan

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa si adag u cambaareyay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi loo dilay cadaalad u raadinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la fahamsanyahay in ay dishay Hay’adda NISA oo xilligaasi uu hoggaanka u haayay Fahad Yaasiin.

Rooble ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sheegay in sidoo kale dilka xildhibaan Aamina iyo weerarkii xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ay wada xiriiraan marka la fiiriyo waqtiga ay dheceen iyo sida loo abaabulay.

Wasiirka koowaad oo si adag u cambaareyay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid looga “ gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka”.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay” ayaa lagu yiri qoraal qoraal uu faafiyay xafiiska wasiirka 1aad goordambe oo arbacadii ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ay “tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta”.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku haysay dib-u-doorashadda Aamina iyadda oo u beegsaneysay dedaalka ay ku bixisay sidii ay cadaalad ugu heli lahayd Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsan sirdoonka.

Villa Soomaaliya ayaa warbixino lagu kalsoonaan karo ay muujinayaan in ay kursigan u dooneysay Cumar Faaruuq oo ah wariye hore kaasoo la sheegay in uu nus milyan doolar u bixiyey in uu hanto xubinimaddan.

Ikraan oo kamid ahayd dadka sida dhow ula shaqeynayey Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay'adda mukhaabaraadka qaranka, ayaa la waayey waxaana dowladdu sheegtay in ay afduubatay dishayna Al-Shabaab.

Beegsiga Aamina ayaa u muuqda mid bilow u ah shirqoole siyaasadeed oo maalmaha soo aadan ka dhici kara qaybo kamid ah dalka maadaama hardanka doorashada uu kululaadey aysana jirin amnigana uu walwal ka jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM