Rooble oo amray baaritaanka weeraradii Muqdisho iyo Beledwayne

Image
Image
Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa maanta la kulmay taliyeyaasha ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga ururka Afrika ee AMISOM.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, wuxuu faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Wasiirka koowaad ee laanta fulinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, "si aysan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay'adaha dowladda".

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in la saaray guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku soo sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada Afisyooni.

Axmed oo kasoo muuqdey muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa tibaaxay in guddigaas uu warbixin ku soo celin doona Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falalkii argagixiso ee u dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay.

"Isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM