Rooble oo ciidanka siiyey amar la xiriira falal kusoo badanaya Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee caasimadda Muqdisho.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee wadanka.

Mr Rooble ayaa wuxuu kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

"Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin," ayuu yiri.

Saraakiisha ciidanka ayuu faray in xal loo helo dambiyada kusoo badanaya Muqdisho ee ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

"Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay xukuumada.

Muqdisho ayaa isku diyaarineysa in ay martigeliso olole doorasho oo xasaanad weyn huwan iyo mid kamid ah doorashooyinkii ugu adkaa iyaddoo ay haatan murashaxiinta wadaan dedaalo ay kursiga ku hantan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM