Rooble oo dib-u-celiyey safiiro la horgeeyay xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muran iyo diidmo adag ayay la kulmeen 12 safiir oo Khamiista maanta ah loo gudbiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidda ay wararku sheegayaan.

Sidda laga soo xigtay warbixino ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha, diidmadda waxaa horkacayey xubnaha laanta fulinta ku metela maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku doodey in hal beel loo badiyey safiiradda, waxaana ay sheegeen in ay talaabadaas ka hor-imaaneyso heshiiska awood qeybsiga 4.5.

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waramay in diidmadaas kadib uu go'aan ku gaarey in uu dib-u-dhigo magacaabida safiiradan oo maanta lagu dhawaaqi lahaa.

Danjireyaasha waxaa soo gudbiyey Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, kaasoo la sheegay in uu fulinayey amar kaga yimid Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa, sidda ay fahfaahinadu caddeynayaan, wuxuu beesha uu xilalka safiirnimo ku taxay isaga dejinayaa eedo ku aadan in uu ka qadiyey xilal kana qaadey kuwii ay hayeen.

Inta badan madaxda ayaa marka uu dhamaadka ka yahay muddo xileedkooda waxay qaadaan talaabooyin ay ku qancinayaan kooxo, shaqsiyaad iyo dowlado si ololaha ugu galaan.

Hoos ka akhriso magacyadda safiiradda

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM