Rooble oo digniin u diray hay'addaha garsoorka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lagu lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sanadka cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu inuu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada, laguna gaari karo xasillooni iyo horumar taaba qaada.

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh”.

Eng. Rooble ayaa xusay Dhismaha Golaha adeegga garsoorka marka uu soo dhammaado in ay fududaan doonto dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

“Sidoo kale, Golaha Wasiirrada iyo Golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah; Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka musuqmaasuqa, Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

Mr Rooble ayaa kula dardaarmay bahda cadaaladda in ay musuqmaasuqa ka fogaadaan, noqdaana kuwa loo soo ordo ee aysan noqon kuwii laga cararayey.

"Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga iyo xaqiijinta cadaaladda".

Xafiiska Rooble ayaa yiri: "Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, si kor loogu qaado xuquuqdooda, tanoo looga fogaanayo laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM