Rooble oo la kulmay Culimada iyo Bulshadda Rayidka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la xiriira doorashooyinka la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

Xafiiska Rooble ayaa faafiey in "kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, isla markaana looga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon".

Sidda laga soo xigtay bayaan, "Rooble ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasillooni, isagoo sheegay booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira".

"Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka ah ee SONSA Mudane Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka," ayaa la raaciyey qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo xiray: "Sidoo kale waxuu tilmaamay in ay la wadaageen tallooyin wax dhisaya, iskuna afgarteen in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dhaawacaya nabadda iyo horumarka dalka".

Ururada Bulshadda Rayidka ayaa todobaadkii hore waxay ku dhawaaqeen in ay u kala dab-qaadayaan madaxda dowladda iyo musharaxiinta kuwaas oo is-mari-waa ku aadan coddeynta uu ka taagan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM