Rooble oo la kulmaya mar kale Musharaxiinta, maxaa laga hadlayaa?

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya| Maalinta berri 28 Feb 2021 waxaa magaalada Muqdisho mar kale kulan ku dhexmari doonaa Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Kulankaan ayaa la sheegey inuu noqon doono mid daba-socda kulankii labada dhinac horey ugu dhexmarey Hotel Decale kaas oo lagu gaarey heshiisyo siyaasadeed.

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadahadalkaan noqon doonaan kuwa lagu gorfeeyo doorka musharaxiinta ku yeelan doonaan kulamada lagaga hadli doono dhameytirka heshiiskii 17 Sept,2021 Madaxweynaha Dowladda  Federaalka ah iyo madaxda maamulada ku gaareen magaalada Muqdisho.

Kulamada Ra'isal Wasaaraha muddo xileedkisu dhamaadey iyo midowga musharaxiinta ayaa ah talaabo siyaasadeed oo wax ka badaleysa habdhaqankii lagu yaqaaney Wasiirka Kowaad ee xukuumada tan iyo intii la magacaabey kuwaas oo ahaa inuusan go'aano siyaasadeed la gaari karin dhinacyada ay khuseyso in dalkaan ka doorasho wadar- ogol ah.

Beesha caalamka oo kaalin wayn ku leh dib u soo kabashada dalka Soomaaliya ayaa aad u soo dhweysay kulamada RW Rooble iyo mucaaradka iyagoo ku dhiiragliyey inuu qaado talaabooyin wax ku ool ah oo wax ka badali kara halka ay xaaladu hadda taagan tahay. 

Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Maxamad Cabdulahi Farmaajo aya soo dhoweeyey heshiiskii ay horey u gaareen RW Rooble iyo musharxiinta.

Lama oga talaabooyinka xiga ee uu qaadi doono Madaxweyne Farmaajo hadii Ra'isal Wasaaraha kowaad heshiisyo aan la isku ogeyn la gaaro siyaasiyiinta xilka ugu sareeya ee dalka u sharaxan.

RW Rooble ayaa sida ay GO u sheegeen xubno ku dhow musharaxiinta waxay rumeysan yihiin inuu noqon karo qofka kaliya ee gali kara wadahadalada lagu gaarayo in dalkaan doorasho aan la boobin ka dhacdo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM