Rooble oo qaadey talaabo ka dhan ah damaca Fahad Yaasiin

Image
Lama ogga go'aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra'iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta ah ayaa ku cadaadinaya guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal in uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga ee Farmaajo.

Xubno ka tirsan guddiga oo diiday in lamagacaabo ayaa sheegay in ra'iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaallada ee Soomaaliya.

Lama ogga go'aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra'iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86. Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa.

Xiriirka ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September 2021 uu ka qaaday xilka taliyaha hay’ada oo loo haystay eedo la xiriira khaarajinta Ikraan Tahliin Faarax.

Inkastoo uusan si shaac baxsan u sheegin, haddana Fahad ayaa la rumaysan yahay inuu rabo kursiga HOP 86 ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Ra'iisal wasaaraha ayaa 27-kii December 2021 ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu isku-dayay afgembi lagula wareegayo awoodda xafiiskiisa, arrintaas oo uu beeniyay xafiiska Madaxweynaha. Tan iyo markaas ma jirin wax heshiis ah oo dhexmaray labada hogaamiye.

Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa meel xasaasi ah, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ay kamid yihiin saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa si dardar leh uga socota maamullada Punland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, iyadoo gudiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee gobollada Waqooyi uu maalmaha soo socda dooran doono saddexda kursi ee ugu dambeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM