Rooble oo Safiirka Mareykanka kala hadlay arrimo muhiim ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaararaha Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Maanta Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre, waxaana wadahadalka uu ka dhacay Afisyooni, oo Garoonka diyaaradaha ku dhegan.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka shaacisay inay xayiraada safarka ah kusoo rogtay shaqsiyaad aysan magacyadooda sheegin, kuwaasoo caqabad ku ah doorashadda iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ayaa dhawaan dalka yimid, waxaana uu la kulmay Farmaajo iyo madax kale, iyadoo dowladiisa ay cadaadis ku saareyso dowladda Federaalka iyo Maamulada inay dhaqso usoo dhameystiraan doorashadda mudada dheer dib u dhacaysay.

Mareykanka ayaa ah dowladda kaliya ay codkeeda iyo baaqeedaa dhageystaan siyaasiyiinta Soomaaliya, oo khilaafyadooda xaliya marka Xalana qoraal laga soo saaro, gaar ahaan Safaaradda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM