Rooble oo shacabka u diray baaq ka dhan ah kooxaha argagixisada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM