Rooble oo sharaxay mowqifkiisa qabyo-tirka dastuurka Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan, kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha horyaala.

Hay’adaha qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ayaa R/Wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha u qabsoomay muddadii la soo dhaafay, waxayna sheegeen in la dhamaystiray dastuurka boqolkii sideetan iyo shan, haatanna loo baahan yahay in la guda galo ilaa 10 qodob oo masiiri ah kuwaas oo u baahan wadaxaajood siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in Xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka KMG , iyada oo xoogga la saarayo qodobada u baahan wadatashiga guud, maadaama la soo dhamaystiray inta badan qodobadii kale ee farsamo, waxa uuna bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka, kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM