Rooble oo soo dhisay xukuumaddii 20aad ee Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Rooble ayaa soo dhisay golaha Wasiirada 20aad ee Soomaaliya 33 maalmood kadib markii 17-kii September uu madaxweyne Farmaajo u xushay in uu bedelo Xasan Cali Khayre.

Liiska uu war-fidiyeenka la wadaagay Rooble waxaa kasoo dhex-muuqdey xubno ku cusub siyaasadda, qaar horey ugu jiray iyo tirro kale oo xukuumadii Khayre ka tirsanaa balse laga reebay in ay kalkan metelaan dadweynaha.

Wasiirada cusub ayaa la horgeyn doonaa Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah si uu ugu qaado codka kalsoonida ee dastuuriga ah.
Meelmarinta kadib, waxaa lagu dhaarin doonaa isla goobta. Ra'iisul wasaare Rooble wuxuu maalintaas golaha u marin doonaa barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadiisa ku shaqeyn doonto mudada ay xafiiska joogto.

Lama ogga sababta soo daahisay magacaabida xukuumadda cusub. Balse, xafiiska wasiirka koowaad wuxuu ku qeexay "latashiyo dheeraad ah". Hasayaashee, wararku waxay xusayaan in ay jiraan "is-mari-waa xilalka qaar".

Xukuumadda cusub oo haysta ku dhowaad afar bilood ayaa shaqada ugu culus ee hortaala waxay tahay dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka iyo in ay waddanka ku hogaamiso coddeyn loo dhanyahay oo xor iyo xalaal ah.

Dowlada iyo maamulada ayaa isku raacay in doorashada noqoto mid dadban oo ay Xildhibaanada soo xulayaan 101 ergo kana dhacda laba magaalo; guddoonka iyo madaxweynaha loo coddeeyo 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM