Rooble oo u digay maamulada xilli uu la kulmay danjiraha USA

Image
Image
Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa ku wargeliyey dowlad goboleedyada qodob "aan la aqbali karin".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Khamiista maanta ah wuxuu kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Xafiiska Rooble ayaa xusay in dhinacyada ay "wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka".

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, Rooble iyo  Andre ayaa isla soo qaadey habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka," ayaa la raaciyey.

Wasiirka koowaad ee dalka Rooble ayaa, sida ku cad bayaanka, inta uu socday wadaxaajoodkan wuxuu hoosta ka xariiqay "in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada".

"Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay," ayaa lagu soo xiray.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa horey ugu heshiiyey in muddo 15-casho ah lagu soo gabagabeeyo xulista Golaha Shacabka taasoo kasoo bilaabaneysa 15-ka Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM