Rooble oo u safray Kuwait xillli uu awaamiir dul-dhigay wasiiradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa ugu dhoofay Kuwait ka qeyb-qeybgalka tacsidda Amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Sabaax.

Warar ayaa sheegaya in Rooble uu bedelay Farmaajo oo booqashadan uga baaqdey socdaalkiisa Suudaanta Koonfureed halkaasoo uu kamid ahaa madaxdii goobjooga ka ahayd dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee qaranka Suudaan.

Safarkan wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo Rooble ugu amababaxo meel ka baxsan waddanka tan iyo markii xilkaan loo magacaabay 17-kii bishii hore ee September ka gedaal markii 60 maalmood uu banaa markii la eryay Xasan Khayre.

Dhanka kale, warqad la sheegay in ay kasoo baxdey xafiiska Rooble kuna taariikheysan 3-da bishan October ayaa amar lagu dul-dhigay sii-haayeyaasha wasiirada ka ah xukuumadda aan wali dib loo cusbooneysiin ee lumisay kalsoonida.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, wasiirada waa in ay dhowraan habraaca xukuumada, in ay ra'iisul wasaaraha kusoo war-geliyaan kahor shaacinta go'aan ay gaarayaan iyo in aan laga ogolaan doonin talaabo kasta oo habkaas loo marin.

Amaradan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay soo baxayaan warar tilmaamaya in mudadii ra'iisul wasaare la'aanta ahaa waddanka ay wasiirada qaarkood sameeyeen ku tagrifal awoodeed isla markaana ay sameyeen "magacaabid boob ah".

Inta badan marka waddanka ku guda jiro mar-xalada kala guurka waxaa dhacda in ay mas'uuliyiinta xilka sii haysa ay isku dayaan in ay shaqsiyaadka ku heebta ama saaxiibada la ah ay uga faa'iideeyaan waajibaadka qaranka u haayaan.

QORAALKA ROOBLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM