Rooble oo u safraya Imaaraadka xilli dalka doorasho ku jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xilgaarsinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee caasimadda waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumumadda.

Sarkaalka ayaa sheegay in Rooble uu casuumaad rasmi ah ka helay Imaaraadka Carabta isaga oo saacadaha soo socda ka duuli doono Muqdisho, iyada uu jiro khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka Carabta, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib usoo nooleynta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Somalia & Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaadi doonaa arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu Imaaraadka doonaya inuu galaangal xoogan ku yeesho, si uu fursad ugu helo dhismaha dowladda cusub.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo garab weyn ka helaya dowladda Qatar.

Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM