Rooble oo "xamuul badan dusha saartey" xilli waqtiga uu ku yar-yahay

Image

ABU DHABI, UAE – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu dusha saaray xamuul badan xilli waqtiga u haray uu kooban yahay, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Al-Ain Al-Akhbariya.

Faaladaas waxaa lagu faa'qiidey balanqaayadii uu Rooble sameeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah.

Sidda laga soo xigtay faaladda, Rooble oo 57-jir wuxuu kusoo hagaagay mid kamid ah mar-xaladihii ugu adkaa siyaasadda Soomaaliya, waxaana sugeysa shaqada adag oo ay kamid tahay qabashada doorasho la isla ogol-yahay 2020-21.

Qodobada uu Rooble wacad ku maray in uu ahmiyada koowaad siinaya wax ka qabashadooda ayaa kala ah; ammaanka, doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, dowlad wanaaga, dib-u-habeynta cadaalada iyo nidaamka garsoorka, qabyo-tirka dastuurka, dhab-u-heshiisiinta iyo iskaashiga xiriirka caalamiga ah".

Dadka naqdinaya aragtidaan ayaa ku duraya in ay ku jiraan qodobo xukuumadii hore ay wax uga qaban weyday muddo saddex sano iyo bar ah, halka qaarka taageeraya ay ku doodayaan in uu afar bilood isbedel ku sameyn karo.

Bishaan September, 17-keeda waxyar kadib heshiiskii doorashadda dowladda iyo maamuladda ayaa la magacaabay Rooble kadib ku dhowaad 60 casho oo waddanku ahaa ra'iisul wasaare kadib riditaankii Xasan Cali Khayre.

Arbacadii, Golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida si aqlabiyad leh ku siiyey Rooble kaasoo balanqaadey in uu soo dhisi doono "xukuumad tayo leh".

Isniintii todobaadkan, qaar kamid ah diblumaasiyiintii durtay heshiiska doorashooyinka soo aadan ayaa kulan is-barasho ah la qaatay Rooble. Fahfaahinta ma cadda, haddana waxaa la aaminsan yahay in doorashadda aysan ka marneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM