Rooble oo "xamuul badan dusha saartey" xilli waqtiga uu ku yar-yahay

Image

ABU DHABI, UAE – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu dusha saaray xamuul badan xilli waqtiga u haray uu kooban yahay, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Al-Ain Al-Akhbariya.

Faaladaas waxaa lagu faa'qiidey balanqaayadii uu Rooble sameeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah.

Sidda laga soo xigtay faaladda, Rooble oo 57-jir wuxuu kusoo hagaagay mid kamid ah mar-xaladihii ugu adkaa siyaasadda Soomaaliya, waxaana sugeysa shaqada adag oo ay kamid tahay qabashada doorasho la isla ogol-yahay 2020-21.

Qodobada uu Rooble wacad ku maray in uu ahmiyada koowaad siinaya wax ka qabashadooda ayaa kala ah; ammaanka, doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, dowlad wanaaga, dib-u-habeynta cadaalada iyo nidaamka garsoorka, qabyo-tirka dastuurka, dhab-u-heshiisiinta iyo iskaashiga xiriirka caalamiga ah".

Dadka naqdinaya aragtidaan ayaa ku duraya in ay ku jiraan qodobo xukuumadii hore ay wax uga qaban weyday muddo saddex sano iyo bar ah, halka qaarka taageeraya ay ku doodayaan in uu afar bilood isbedel ku sameyn karo.

Bishaan September, 17-keeda waxyar kadib heshiiskii doorashadda dowladda iyo maamuladda ayaa la magacaabay Rooble kadib ku dhowaad 60 casho oo waddanku ahaa ra'iisul wasaare kadib riditaankii Xasan Cali Khayre.

Arbacadii, Golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida si aqlabiyad leh ku siiyey Rooble kaasoo balanqaadey in uu soo dhisi doono "xukuumad tayo leh".

Isniintii todobaadkan, qaar kamid ah diblumaasiyiintii durtay heshiiska doorashooyinka soo aadan ayaa kulan is-barasho ah la qaatay Rooble. Fahfaahinta ma cadda, haddana waxaa la aaminsan yahay in doorashadda aysan ka marneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM