Ruushka oo DF ku booriyey in ay hagaajiso cilaaqaadka Jubaland

Image

MOSCOW, Russia – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa in ay hagaajiso cilaaqaadka kala dhaxeeya maamulka Jubaland si horumar looga sameeyo wadahadalka arrimaha doorashooyinka, sidda uu ku booriyey Ruushka.

Anna Evstigneeva, oo ah ku xigeenka ergayga Moscow u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa baaqaas u jeedisay xukuumadda Muqdisho xilli ay qaab fogaan arag ah kaga qeybgashay shir Golaha Ammaanka yeeshay.

Shirkaas oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana diiradda lagu saarey doorashooyinka, siyaasadda iyo arrimaha bini'aadanimada.

Evstigneeva oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale waxay rajeysay in dowladda Soomaaliya ay dib u bilaabi doonto wada-xaajoodyada Somaliland.

"Waxaan bogaadineynaa horumarka laga sameeyay wadahadalada siyaasadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kaasoo hadafkiisu ahaa in loo diyaar-garoobo doorashooyinka. Waxaan rajeynaynaa in dowladda ay dhowaan dib u bilaabi doonto wadahadalada Somaliland ayna ka shaqeyn doonto hagaajinta cilaaqaadka Jubaland," Evstigneeva tibaaxdey.

Evstigneeva ayaa ku dartay: "Waxaan lasii socon doonaa qaabka horumar looga sameeyo qabyo-tirka dastuurka Soomaaliya. Waxaan ku raacsanahay in wadahadalkan uu caawin doono in lagu guuleysto hadafkan. Waxaan ugu baaqeynaa ergayga UN-ka James Swan in ka quusan dedaalkan".

Dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa isku haya arrimo kala duwan waxaana kamid ah gobolka Gedo oo xukuumadda waqtiga kasii dhacayo ay awood ciidan ku qabsatay ayna rabto in ay kasoo saarato xubno taabacsan.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku nuux-nuuxsaday in gobolkaas aysan ka dhici doonin doorasho illaa ciidanka laga saaro.

Arrinta gobolka Gedo ayaa kamid ah qodobadda ugu waaweyn ee go'aamin kara in doorashooyink 2020-21 ee Soomaaliya ay ku dhici karaan qaab nabad, xor iyo xalaal ah, waxaana isha lagu hayaa qaabka ay kusoo dhamaan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM