Ruushka oo Wafdi usoo diray Soomaaliya Xili Mareykanka Go'aan soo saarey

Image

MUQDISHO – Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Federaalka Ruushka ahna Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika, Mikhail Bogdanov, ayaa Sabtidii si rasmi ah ugu yimid magaalada Muqdisho, isagoo kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Bogdanov, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Muqdisho, iyadoo ay garoonka ku qaabileen Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, iyo masuuliyiin kale oo sare.

Soo dhawaynta rasmiga ah ee lagu maamuusay garoonka, oo ay ku jirtay ciidamo sharaf iyo xaflad kooban, ayaa muujisay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso booqashadan taariikhiga ah.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu burburkii dhacay, xilli labada dal ay horey u lahaayeen xiriir xooggan oo soo taxnaa xilligii Dagaalkii Qaboobaa.

Mikhail Bogdanov ayaa inta uu joogo Soomaaliya la kulmi doona madaxda ugu sarreysa dowladda, oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, si loo xoojiyo iskaashi ku saleysan siyaasadda, ganacsiga, amniga, dhaqanka, iyo gargaarka bini’aadannimo.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajeynaysa in Ruushku ka taageero dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sida tamarta, waxbarashada, caafimaadka, iyo amniga, iyadoo booqashadani qayb ka tahay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto inay ballaariso iskaashiga caalamiga ah kana baxdo ku-tiirsanaanta xiriirada dhaqameed ee reer Galbeedka.

Mareykanka ayaa dhawaan sheegay inuusan bixin doonin taageerada dhaqaale ee Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo aan heshiis laga gaarin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeyay hogaamiyaasha dalka, gaar ahaan dowladda iyo Maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM