R.W. Somalia "waan ku rajo weynahay in khilaafka jira laga gudbo"

Image

November 1, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa markii ugu horeysey ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Waraysi gaar ah oo shalay oo Jimce ahayd Ra'iisul Wasaaruhu siiyey telefishinka eNCA ee fadhigiisu dalka Koonfur Afrika yahay wuxuu ku sheegay inuusan wax sidaas usii buuran ahayn khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha balse dhowr arimood ku kala aragti duwanaadeen.

Cabdiweli Shiikh wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafka jira si dhaqso ah xal looga gaari doono si horay loogu socdo. Isagoo arintaas ka hadlayeyna wuxuu yiri:

"anigu u maleyn mayo in arintaasi mushkilad weyn tahay...keliya waa kala aragti duwnaan lagu xalin karo wada hadal..wada hadalku waa socdaa Madaxweynahana si joogto ah ayaan u kulanaa, shalay oo ugu dambeysey garoonka ayaan kusii sagootiyey waan wada xiriirnaa waana ka wadahadalnay sidii aan khilaafka jira ku xallin lahayn" Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey "waxan ku rajo weynahay todobaadyada soo socda in khilaafka laga gudbi doono horayna loo socon doono." 

Halkan ka daawo waraysiga.

Docda kale mar wax laga weydiiyey heerka uu gaarsiisan yahay horumarka labadii sano ee ugu dambeeyey Dowladda Federaalku dhanka amaanka ka samaysay wuxu sheegay in sugida ammaanka si buuxda aan loogu guuleysan balse horumar la taaban karo laga gaarey.

Weeraradii ka dhici jirey magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay yaraadeen isagoo intaas raaciyey in ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan magaalooyin muhiim ah oo horay Al-shabaab uga talin jirtey degmada Baraawena kamid tahay.

"horumar la taaban karo ayaa laga sameeyey ammaanka magaalada Muqdisho iyo meelaha Muqdisho ka baxsan labadaba, waxan la wareegney dhowr magaalo oo istaraatiiji ah kuwaasoo horay Al-shabaab gacanta ugu haysey ayna kamid tahay xaruntii ugu weyneyd Al-shabaab ee Baraawe"

Xubno badan oo Al-shabaab ka tirsanaa ayuu sheegay inay Dowladda isu soo dhiibeen taasoo horseeday in tirada dagaal-yahanada Al-shabaab hoos u dhacdo, wuxuu sidoo kale Ra'iisul Wasaaruhu xusay in awoodii dhaqaale ee kooxdaasi wiiqantay hada kadibna awood u lahayn inay qorato dhallinyaro cusub..

Ugu dambeyntii Cabdiweli Shiikh wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay kordhiyaan taageerada dhaqaale ee lasiiyo Soomaaliya, si gargaar deg deg ah loo gaarsiiyo goobihii dhowaanta la xoreeyey maadaama ilaha dhaqaale ee Dowladda Federaalku xadidan yihiin awoodna aysan u lahayn inay caawiso dhammaan dadka gargaarka u baahan.

Khilaafka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo muddo bilo ah soo jiitameyey, wuxuu si rasmi ah usoo shaac baxay October 25, 2014 markaasoo Xasan Shiikh si cad uga horyimid waxba kama jiraanna ku tilmaamay isku-shaandheyn kooban oo Wasiirka Koowaad ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM