RW Somalia oo cambaareyay weerarka Jannaale

Image

1 September, 2015(GO)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Shabeelada hoose.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka kooxaha nabad diidku ay ku qaadeen ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen ciidamada naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Somalia

Sharmake ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidankaasi naftooda ku waayay difaaca iyo xasilinta Somalia.

“Qorshaheenu waa in dalka laga sifeeyo haraadiga kooxahaasi caadeystay daadinta dhiiga ummada, waana muhiimada koowaad ee Xukuumadeyda sidii looga ciribtiri lahaa goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin”.

Ma ahan weerarkii ugu horeysay ee lala eegto ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM