Saamayn ka dhalatay fatahaadda wabiga Jubba

Image

12 November, 2015(GO)-Wabiga Jubba ayaa fatahaad ballaaran ka sameeyay degmada Buurdhuubo gobolka Gedo, ka dib roobab da'ay shan saacadood oo xiriir ah.

Daadadka wabiga ayaa la tagay, dalagii beeralayda, guryahoodii iyo weliba xoolo nool.

Xaaladda bulshada ku dhaqan degmada Buurdhuubo, ayaa halis ku jirta, waxaana ka dillaacay Kaneeco kor u qaadi karta dhibaatada deegaanka ka jirta.

Dadka ku nool goobaha wabigu saameeyay oo la hadlay warbaahinta, ayaa codsaday inay lala soo gaaro kaalmo sida ugu dhaqsaha badan, maadama aysan haysan, Guryo iyo cunto.

Dhawaan dowladda Federaalka ayaa magacowday guddi la socda xaaladda fetahaado ay sameeyaan wabiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM