Sababta baajisay socdaal uu Farmaajo ku tegi lahaa dalka Rwanda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Socdaal uu todobaadkan hogaamiyaha Soomaaliya ku aadi ahaa wadanka Rwanda ayaa dib u dhac uu ku yimid, daqiiqadihii ugu dambeeyay, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu uga qeybgeli lahaa waddankaasi munaasabada Maalinta Xorriyadda, taasi oo shalay oo Khamiis ahayd si weyn looga abaaldegay dalkaasi.

Kadib baaqashadaasi, aroornimadii Khamiista, Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah waxa uu bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka loogu diray shacabka iyo dadweynaha dalkaasi, isaga oo u rajeeyay horumar iyo guul.

Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda, oo fariintaasi kasoo fal-celiyey isla markaana Farmaajo kaga mahadceliyey hadaladaasi kasoo yeeray ayaa wuxuu daboolka ka qaadey sababta keentay baajinta safarka.

"Waad ku mahadsan tahay madaxweyne Farmaajo erayada noocaan ah. Waanu ognahay in aad sidoo kale rajeyneysay in aan nagula soo biirto munaasabadan aysane u suurtogelin mushkilato farsamo," ayuu yiri.

Inkasta oo uusan daaha ka rogin dhibaatooyinka farsamo ee keenay dib u dhaca safarka madaxweynaha, haddane waxay timid xili dalku uu ku dhawaaqey Khamiistii go’aan diblumaasiyadeed oo culus. [Halkan ka akhri]

Wallow aanan la hubin hadii ay arrintaasi xiriir la lahayd, haddane Soomaaliya ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Guinea, oo ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay qaranimada markii uu qaabilay madaxweynaha Somaliland.

Rwanda, wadan dhaca bariga qaaradda Afrika, ayaa 4-ta July, sanad kasta wuxuu u dabaaldegaa Maalinta Xorriyadda taasi oo lagu xusuusto dadkii ku dhintay xasuuqii 100-ka maalmood ka dhacay dalkaasi 25-sano kahor.

Kaliya ma ahan Farmaajo madaxweyneyaasha dalalka bariga Afrika ee munaasabadaasi ka baaqdey, waxaana kamid ah hogaamiyeyaasha wadamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM