Sababta baajisay socdaal uu Farmaajo ku tegi lahaa dalka Rwanda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Socdaal uu todobaadkan hogaamiyaha Soomaaliya ku aadi ahaa wadanka Rwanda ayaa dib u dhac uu ku yimid, daqiiqadihii ugu dambeeyay, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu uga qeybgeli lahaa waddankaasi munaasabada Maalinta Xorriyadda, taasi oo shalay oo Khamiis ahayd si weyn looga abaaldegay dalkaasi.

Kadib baaqashadaasi, aroornimadii Khamiista, Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah waxa uu bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka loogu diray shacabka iyo dadweynaha dalkaasi, isaga oo u rajeeyay horumar iyo guul.

Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda, oo fariintaasi kasoo fal-celiyey isla markaana Farmaajo kaga mahadceliyey hadaladaasi kasoo yeeray ayaa wuxuu daboolka ka qaadey sababta keentay baajinta safarka.

"Waad ku mahadsan tahay madaxweyne Farmaajo erayada noocaan ah. Waanu ognahay in aad sidoo kale rajeyneysay in aan nagula soo biirto munaasabadan aysane u suurtogelin mushkilato farsamo," ayuu yiri.

Inkasta oo uusan daaha ka rogin dhibaatooyinka farsamo ee keenay dib u dhaca safarka madaxweynaha, haddane waxay timid xili dalku uu ku dhawaaqey Khamiistii go’aan diblumaasiyadeed oo culus. [Halkan ka akhri]

Wallow aanan la hubin hadii ay arrintaasi xiriir la lahayd, haddane Soomaaliya ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Guinea, oo ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay qaranimada markii uu qaabilay madaxweynaha Somaliland.

Rwanda, wadan dhaca bariga qaaradda Afrika, ayaa 4-ta July, sanad kasta wuxuu u dabaaldegaa Maalinta Xorriyadda taasi oo lagu xusuusto dadkii ku dhintay xasuuqii 100-ka maalmood ka dhacay dalkaasi 25-sano kahor.

Kaliya ma ahan Farmaajo madaxweyneyaasha dalalka bariga Afrika ee munaasabadaasi ka baaqdey, waxaana kamid ah hogaamiyeyaasha wadamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM