Sacuudiga Oo Heshiis Amni la galay dowladda Soomaaliya

Image

Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis iskaashi amni oo ay la galeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), kaas oo diiradda saaraya la dagaalanka argagixisada iyo maalgelinteeda, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA).

Ansixinta heshiiskan ayaa dhacay intii lagu guda jiray shirkii Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis kuna qabsoomay magaalada Jeddah.

Heshiiskaan ayaa qeexaya iskaashi toos ah oo u dhexeeya Waaxda Ammaanka Madaxtooyada Sacuudiga iyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamay horumar weyn oo ku yimid xiriirka amni ee labada dal.

Intii lagu jiray kulanka, Golaha Wasiirrada Sacuudiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee heshiiskaasi, iyagoo sheegay inuu si weyn uga taageerayo Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), kuwaas oo weli khatar ku haya amniga gobolka.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiis difaac oo toddobaadkii hore ay kala saxiixdeen Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya iyo dhiggeeda Sacuudiga, taas oo sii xoojisay xiriirka amni iyo diblomaasiyadeed ee labada dal.

Falanqeeyayaasha amniga ee gobolka ayaa ku ammaanay heshiisyadan inay yihiin iskaashi istiraatiiji ah oo kordhinaya awoodda labada dal ee la dagaalanka argagixisada, kana qeyb qaadanaya dadaallada amniga ee heer gobol iyo heer caalami.

Heshiisyadan ayaa loo arkaa inay qayb ka yihiin istiraatiijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo Soomaaliya ay weli raadineyso taageero caalami ah si ay ula tacaasho dagaallada ay kula jirto kooxaha xagjirka ah ee gudaha ka hawlgala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM