Sacuudiga oo mar kale la saftey Soomaaliya xilli ay jirto xiisada Itoobiya

Image
Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa laga cabsi qabaa in xiisadooda ay isku-badasho dagaal fool ka fool ah.

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sacuudiga, Waliid Al-Khuraiji, ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Suudaan.

Ballanqaadkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah ilaalinta amniga, xasilloonida, iyo is-dhexgalka gobolka.

Al-Khuraiji ayaa hadalkan sheegay mar isagoo ka wakiil ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faisal bin Farhan, uu ka qayb-galay shir-madaxeedka urur-goboleedka IGAD oo Jimcihii ka dhacay dalka Uganda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa khudbadiisa ku muujiyay mowqifka adag ee Sacuudiga uu ka taagan yahay taageeridda iyo horumarinta xiriirka Sacuudiga iyo Afrika.

Mawqifkaasi waxa uu xoojinayaa xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika iyo dalalka IGAD.

Al-Khuraiji waxa uu carabka ku adkeeyay mowqifka Sacuudiga ee ku aadan xiisada Sudan, isaga oo diiradda saaraya ilaalinta midnimada Sudan iyo wadajirka dhuleed, ilaalinta hay’adaha dawliga ah, iyo ilaalinta kheyraadka shacabka Sudan.

Wuxuu ammaanay iskaashiga Sacuudiga iyo IGAD iyo Midowga Afrika ee khuseeya xaaladda hadda ka taagan Suudaan.

Waxa uu intaa ku daray in fulinta Baaqa Jeddah, ee ah in la ilaaliyo dadka rayidka ah si waafaqsan mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, ay tahay dariiqa lagu xalinayo xasaradaha ka socda Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM