Saddex dhibaato oo Soomaaliya u diidey dakhli dhan $300 milyan

Image

NAIROBI, Kenya – Marka kaluunka laga dabo xeebaha Soomaaliya, hilibkooda la cusbeeyo, qoraxda lagu qalajiyo, qaab dhulka ahna looga soo dhoofiyo Kismaayo waxaa loo iib-geeyaa meelo ay kamid tahay magaalada Kenya ka tirsan ee Mombasa, oo ah suuqa ugu weyn Bariga Afrika.

Balan [seenta] kalluunka, dhanka kale, waxaa loo dhoofiyaa Hong Kong iyo Singapore, halkaas oo laga jecel-yahay halka kaluunka noociisa loo yaqaano Yuunbiga laga xiiseeyo Japan, Cumaan iyo Dubai.

Intaas kuma ego balse wax soo saarka kaluunka ee Soomaaliya ayaa loo suuq ka haysta badi Afrika, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Balse iyaddoo ay jiraan dhamaan arrimahaan, dhaqaalaha ay Soomaaliya ka hesho wax soo saarka kaluunka waa $135 milyan, waana laba boqolkiiba dakhliga gudaha, sidda lagu sheegay cilmi-baaris ay sameeyeen Machadka Siyaasada ee Heritage iyo Jaamacadda City ee Muqdisho.

Daraasadaas oo ciwaan looga dhigay Somalia Fisheries: Untapped Potential Held Back by Skills Shortage ayaa soo baxday June.

"Si kastaba ha noqotee, waxay leedahay awood ay ku noqon karto midka ugu weyn uguna faa'iidada badan adduunka, iyada oo la tixgelinayo in qabashada sannadlaha ah ee hadda jirta ay ka dhigan tahay oo keliya qayb yar oo ka mid ah soosaarka kalluumeysiga ee dalka lagu qiyaasay in ka badan 800,000 tan sanadkii," ayaa lagu yiri daraasaddan muhiimka ah.

Dhibaatada kalluumeysiga dalka waa in ay maamulaan shisheeye. Kalluumeysiga sharci darada ah, ee aan laga hadlin iyo kan aan la xakameyn [IUU] ee ku kalluumeysiga Aagga Dhaqaale ee Soomaaliya [EEZ] ayaa sabab u ah in waddanka uu sanad walba waayo dakhili dhan $300 milyan.

Dr Abdirahman Kulmiye, oo isku soo uruuriyey macluumaadka daraasadda kana tirsan Jaamacadda City, ayaa carabka ku adkeeyay in caqabada ugu weyn ee u baahan in xal waara loo helo ay tahay shaqaalo yari.

"Iyaddoo waaxda kalluumeysiga ay tahay mid aan la horumarin, haddana waxay noloshooda ku tiirsan tahay in ka badan 400,000 oo Soomaali ah," ayuu u sheegay wargeyska The East African ee kasoo baxa Kenya.

Cilmi-baarista oo uu maalgeliyey Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya ayaa ku talisay in la horumariyo Waaxda Kalluumeysiga, la tababaro xirfad-layaal, la dhiirageliyo kalluumeysatada iyo barnaamijyadda kalluumeysiga.

Bishii Febraayo ee sanadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa ruqsado kalluumeysi oo ku kacaya $1,025,750 waxay siisay shirkado laga leeyhay Shiinaha, kuwaas oo jilaabanaya kalluunka loo garan og-yahay tuunaha.

Bishii hore, warbixin kasoo baxday hay'adda Gobal Fishing Watch ayaa Soomaaliya iyo Yemen u aqoonsatay wadamada ay ka dhacaan xadgudubyadda ugu badan ee dhanka kalluumeysiga.

Tan iyo burburkii 1991-dii, waxaa lagu waramay in xeebaha kheyraadka badan ee Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kalluumeysteen maraakiib tiradooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa sideed boqol illaa iyo 1,000.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si joogto ah ugu cel-celisa in ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinkaan, balse iyaddoo aan la ahayn awood ku filan waxay sababeysaa in go'aanadeeda iyo hadalada kasoo yeera aysan dhaafsiisaneyn afka, mana jiro talaabo ay qaado, illaa haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM