Safaaradda Somalia ee Nairobi oo la dhagax dhigay

Image

07 November, 2015(GO)-Mas'uuliyiin uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa ka qayb galay dhagax dhiga dib u hagaajinta safaaradda Somalia ee magalada Nairobi.

Dhulka safaarada Somalia ku taalo ayaa gacanta Somalia ku soo laabatay sanadkii 2010, ka dib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi, kaasi oo dhulkan iibsaday sagaashameeyadii.

Ra'isal wasare, Sharmake, ayaa xusay in xukuumadda Somalia ku hawlantahay sidii dib loogu soo celin lahaa safaaradihii dalku ku lahaa caalamka.

Lacag badan ayaa ku bixi doonta dib u dhiska lagu samaynayo safaaradda, waxaana safiirka Somalia u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan bulshada Somaliyeed ka codsaday inay gacan ka gaystaan sidii loo hagaajin lahaa dhismahan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM