Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda oo shaqo joojin sameysay

Image

KAMPALA, Uganda – Mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa waxay ku dhawaaqay in ay sameynayaan shaqo joojin muddo 14-maalmood ah kadib amar kasoo baxay xukuumada Kampala.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaarada oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu sheegay talaabada ay qaadeen la xiriirto ka hortagga Coronavirus.

Dowladda Uganda ayaa mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha iyo gaadiidka dadweynaha markii 14-kiis laga helay waddankaas.

"Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaddoo ka duuleysa ka hortagida cudurka dhibaatada ba'an ku haya aduunka oo dhan ee Covid-19 soona gaaray dalka Uganda, oo illaa iyo hadda laga helay 14 qof".

Warka qoraalka ah ayaa intaas ku daray: "Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyaddoo ilaalineysa badqabka muwaadinka Soomaaliyeed ee sidda joogtada ah ugu xiran safaarad".

"Iyaddoo la tixgelinayo awaamiirta dowlada Uganda ee martida aanu u nahay in la joojiyey muddo 14 cisho ah dhamaan gaadiidka dadweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed safaarada ku imaan jireen sidda taksiyada, Basaska iyo Bajaajta," ayaa la raaciyey qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "…haddaba safaaradda Soomaaliya ee Uganda waxay hakisay shaqooyinka muddo 14-cisho ah".

Todobaadkii hore ayay ahayd markii safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya iyoo Hindiya ay ku shaaca ka qaadeen in ay joojiyeen howlahooda markii wadamadaas laga soo wariyey kiisas caabuqaas ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM