​Safaraadda Somalia ee Yemen oo la xirayo

Image

MUQDISHU, Somalia- War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in la xirayo safaaradda dalku ku leeyahay magaalada Sanca ee waddanka Yemen.

Sii haya xilka safiirka ahna Qunsulka Somalia ee Yemen, Cismaan Axmed Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay inay heleen amar kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda kasoo sheegaya in muddo bil ah lagu xiro muddo bil gudaheed ah.

Wararka ku xeeran sababta loo xiray safaaradda, ayuu sheegay inay tahay baqdin dhinaca Ammaanka ah, maadama Somalia ay taageertay dowladda waddankaas ka dhisan, halka magaalada Sanco maamulaan Xuutiyiinta.

Cismaan, ayaa xusay in tallaabadaas saamayn laxaad leh ku yeelan doonto Somalida ku noolo dalka Yemen, ee ka barakacayay colaadaha dalkaas ka taagan.

''Xirnaashaha safaarada Soomaaliya ee Sanca waxaa ay keeni kartaa dhibaato weyn oo soo food saarta dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan'' ayuu hadalkiisa raaciyay qunsulka.

Qunsulka, ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay safaaraddu qaban jirtay, isagoo yiri, “Shaqda safaaradda waxaa ka mid ahaa daa+dgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yaman oo ay saameynta ku yeesheen dagaallada halkaa ka socda,  waxaa naloo soo dirray warqad nooga timid wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya oo lagu amrayo in muddo bil gudaheed ah lagu xirro safaaradda".

Taallaabadan, ayaa imaanaysa xilli safaaraddu soo shaqaysay waqtiyo xaalad adag ku jirtay magaalada Sanca, lamana oga sababta waqtigan loogu beegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM