Safiirka Cusub ee Sacuudiga oo soo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM