Safiirka Cusub ee Sacuudiga oo soo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM