Safiirka cusub ee UK oo soo gaarey magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ee Kate Foster.

"Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi," ayaa la raaciyey bayaanka uu lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli muddo xileedka Farmaajo uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021, iyadda wali muran ka taagan yahay doorashooyinka.

UK ayaa kamid ah wadamadda qaban-qaabinaya shir lagu waddo in uu dhowaan Muqdisho ku dhexmaro madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada oo khilaafkaas xal loogu goobayo.

Foster ayaa waxay bedelaysaa Ben Fender kaasoo soo gabgabeeyay joogitaankiisa diblumaasinimo ee Soomaaliya kadib dhowr sano oo uu Britain ku metelaayey safaaradda ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM