Safiirka Imaaradka ee Somalia oo Kismayo kula shiray Madoobe

Image

Kismayo[GAROWE ONLINE] Safiirka dowladda Imaraadka ee Somalia Maxamed Axmed Al-uthmaani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta 20.August.2014 gaaray magalada Kismayo xarunta mamulka KMG ah ee Jubba.

Garoonka diyaaradaha magalada Kismayo waxaa kusoo dhaweeyay madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah gollihiisa wasiiradda waxayna kulan ay saxaafadu dibadda ka joogtay kula qaatay Wafdiga Safiirka madaxwayne Madooba garoonka diyaaradaha.

Masuul ka tirsan mamuka Jubba ayaa GO u sheegay socdaalka Safiirka Imaaraaadka ee Kismaayo inuu salka ku hayo sidii Dowladda Imaaraadka barnaamijyo hormarineed uga fulin lahayd magalada Kismayo iyo deegaamadda uu mamulkan ka taliya.

Danjire Maxamed Axmed ayaa soo dhaweeyay warbixinta uu madaxwayne Axmed Madoobe ka siiyay xaalada deegaanka iyo sida loogu baahan yahay in hormarin baaxad wayn lagu sameeyo.

Dowladda Imaaraadka ayaa teegaaro siisa DF taasoo aan waxba kasoo gaarin mamuladda kale ee dalka ka jira sida Punland iyo Jubbaland.

Waxa uu kusoo aadayaa socdalka wafdigaan Imaaraadka ka socda ay Kismaayo ku tageen xili magalada Kismaayo maalinkii shalay ay gaareen wafdi QM ka socda.

Gudoomiyaha magalada Kismayo ayaa sheegaya inuu isbadal dhanka hormarka ah uu ka socda magalada balse loo baahan yahay shacabku inay taageeraan mamulka.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka labaad ee mamulka Jubba ayaa Cabdiqaadir Lugadheera ayaa ku maqan wadanka Maraykanka kulan uu Lugadheere magalada Minnepolis kula qaatay Ganacsatadda Soomaalieed wuxuu u balan qaaday inay siin doonaan dhul ay degaan hadii ay maalgashi diyaar la yihiin.

GAROWE ONLONE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM