Safiirka Itoobiya oo raaligelin siiyay Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed

Image
Safiir Waare ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadalladiisa

Addis Ababa (GO) - Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxamed Waare ayaa raalli gelin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta dowladda Itoobiya, kaas oo ugu gafay madaxbanaanida Soomaaliya.

Safiirka ayaa yiri: “Waxaan ka raalli gelinayaa walaalahayga Soomaaliyeed Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha. Waxaan si kal iyo laab ah u raali gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Safiirka ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadalladiisa isaga oo intaas ku daray: “Erayadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello Xiriirka naga dhaxeeya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhaxeeyaan xiriir qoto dheer, isaga oo raaciyay in ay ka go’an tahay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirkaas.

Hadalka Safiirka ayaa ku soo aaday xilli dowladda Federaalka ay abaabuleyso wadamada gobolka iyo caaalanka si looga hor yimaado damaca Itoobiya ee gobolka isla markaana cadaadis la saaro.

Dadka u dhuub daloola siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in raalli gelinta Safiirka ay gogol xaar u noqon doonto kulan dhawaan dhaxmari doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM