Safiirka Kenya oo su'aallo laga waydiiyey diyaaradii tagtay Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya magaaladda Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoonaan karo.

Danjire Lucas Tumbo ayaa waxaa su'aallo laga waydiiyay diyaaradii 5-tii October tagtay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Diyaaradda oo ka diiwaan gishan Kenya ayaa waxaa wada leh ganacsato iyo siyaasiyiin Soomaali iyo Kenyan ah. Xukuumadda Muqdisho ayaase aad uga carootay talaabadaas.

Duulimaadka ayaa yimid xili xayiraad dhanka socdaalka ay Villa Soomaaliya saartay Jubbaland, talaabadaas oo ay ku dooneysay in ay ku baajiso caleema saarka Axmed Madoobe.

Soomaaliya oo falkaas kadib dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qaramadda Midoobay ayaa ku aadeysay "in ay ku xadgudubtay hawada dalka ogolaanshiyo la'aan".

"Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la carqaladeeyo xuduudaha baddaheeda iyo dhulka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda oo warbaahinta loo diray.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa ku warameysa in xayiraada socdaalka Kismaayo ay dab kusii shidey xiisada labada dal oo kolkii hore daarneyd dacwad ka dhan badda ah.

Xayiraada Kismaayo ayaa haatan la qaadey, waxaana Khamiista maanta ah tegay halkaas madaxweyneyaal iyo siyaasiyiin kasoo muuqan doona xaflada oo Sabtida dhaceysa.

Gal-dacwadeedka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi ayaa ku saabsan goob badkeedu yahay 150 KM isku wareeg, halkaas oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ah.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku wareejisay Tumbo warqadda ashtakada ayaa ku wargelisay "in dowladiisa ay jawaab waafi ahkasoo bixiso cabashadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM