Shaqada Safiirka Mareykanka ka hayo Soomaaliya oo la dhaliilay

Image

WASHINGTON, US – Falanqeeye Michael Rubin ayaa u qoray Washington Examiner  maqaal uu cinwaan uga dhigay "Safiirka Mareykanka hal bilyan oo Dollar ayuu ku bixiyay Soomaaliya, walina wuxuu maalgelinayaa afgembi".

Warbixinta wuxuu diiradda ku saarey doorashadii Galmudug, aqoonsigii Donald Yamamota Madaxweyne Qoor-Qoor iyo taageerada maamulka Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu dhaliilay shaqada Yamamoto ka hayo Soomaaliya, oo ku tilmaamay mid hoos u dhigeysa kalsoonida iyo sumcadda siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka.

Rubin ayaa xusay in taageerada Yamamota ee doorashadii Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ay muujineyso in uu "door-biday in uu la safto dhinac" taasoo fashilineysa dedaalada xasilinta Soomaaliya.

Deyn cafinta

Xeeldheeraha oo soo qaadey deynta uu Mareykanku ka cafiyey Soomaaliya taasoo dhan hal bilyan oo Doolar ayuu sheegay in ay tahay "lacag ka khasaartay canshuur-bixiyeyaasha Ameerika".

Sababta ayuu ku sheegay maadaama ay timid iyaddoo uu xafiiska joogo Yamamota oo ku lug-yeeshay fadeexad ku saabsan in uu taageerey "doorasho ay hareeyeen wax-is-dabamarin iyo laaluush".

"Arinta murugada leh ayaa ah in safiirka iyo badi waaxda arrimaha dibadda aysan aqoonsaneyn in gargaarka iyo taageerada miisaaniyada ee la siiyo Soomaaliya ay keeneyso dhibaato," ayuu tibaaxay.

Wuxuu intaas ku daray saxafiga: "Dedaladooda ma dhiiragelineyso xal waara, taas bedelkeeda, waxay qaldeysaa dimuqraadiyadda, waxayna horseedeysaa soo noolaashadda argagixisadda".

Dowlada madaxweyne Farmaajo ayuu ku qeexay "hogaan musuqmaasuq oo awood dhaqaale u adeegsaday doorashada Galmudug".

Cadaadis

Yamamota oo safiir kasoo noqday dalalka Jabuuti iyo Kenya ayuu cambaareyn kala kulmay saamileyda siyaasadda Galmudug kadib markii uu garab istaag u muujiyey guushii Qoor-qoor, murashaxii Villa Soomaaliya.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay musuqmaasuqday hanaanka soo xulista baarlamaanka labaad ee Galmudug oo la tilmaamay in ay ku jireen shaqaalo ka tirsanaa xafiisyada Farmaajo iyo Khayre.

Dhanka kale, illo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in Yamamota uu cadaadis saarey madaxweyne Farmaajo kadib dhaleeceynta kasoo gaartay saamileyda siyaasadeed ee Galmudug.

Cadaadiska ayaa ah in ay la shaqeyso Axmed Madoobe iyo maamulada kale. Xogta waxay xuseysaa in dowlada dhowaan soo saarto qoraal ay "madaxweyne" ugu yeeri doonto Axmed Maxamed Islaam.

Safaarada Mareykanka ee Muqdisho oo kadib carada mucaaradka soo saartay qoraal ayaa doorashooyinkii u dambeeyay ee maamulada ka dhacay ku tilmaamtay "kuwa aan u dhicin siddii la qorsheeyay".

Xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in ay shir wadatashi ah ku casuuntay Dowladaha xubinta ah ee federaalka, arrintaas oo ka dhalatay cadaadiska Donald Yamamota uu saarey madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa…

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:48PM

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM