RW Khayre oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Safiirkii hore ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan u magacaabey xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xaqiijiyay magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga cusub.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo horey usoo noqday Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u fadhiya Turkiga tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka, intii u dhaxaysay 2011-2015 ayuuna soo hayay jagadaasi.

Xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa uu kasoo noqday Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, kadib markii laga qaadey xilka Safiirnimo.

Waxa uu Maxamed Mursal bedelayaa Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo xilkan iska casilay bishii October.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xilka ka qaadey Wasiirka Diinta & Awqaafta Iimaan Cabdullahi Cali, mana la oga sababta xilka qaadistiisa ka dambayso.

Xilka laga qaadey Wasiir Iimaan waxaa sii heynaya Wasiiru Dowlaha Cabdihakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM