Safiirkii Somalia dalka Masar oo Muqdishu lagu aasay

Image
Image
Image
Image
Image

26 November, 2016(GO)-Safiirkii Somalia u fadhiyay dalka Masar ayaa maanta lagu aasay magalada Muqdishu xarunta Somalia, ka dib diyaarad khaas ah oo ka keentay Qaahira.

Aaska Safiirka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, xubno ka socday goloyaasha dowladda iyo qaar ka mid ah ehelada marxuumka.

Salaadda Janasada ayaa Cabdullaahi Xasan Maxamud lagu tukuday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana lagu aasay qabuuraha Cusbitalka Madiina ee magalada Xamar.

Madaxweynaha Somalia ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo umadda Somaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cabdullaahi Xasan oo ahaa safiir door ka soo qaatay diblomaasiyadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM