Sagaal qof oo ku dhimatay xarunta karantiilka Covid-19 ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay xarunta karantiilka Coronavirus ee Muqdisho ay ku geeriyoodeen sagaal qof oo lagu arkay astaamaha cudurka safmarka ah.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

War-saxaafadeedka oo lasoo dhigay baraha bulshada ee wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in ay sii kordheyso tirada dadka uu xanuunka kusoo ridanayo Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala caasimada.

Maamuleyaasha Isbitaalda ayay ku dhaleeceysay in ay bukaanada u soo gudbiyaan xarunta karantiilka "waqti aan waxba laga qaban karin, taas oo sababtay in la badbaadin waayo bukaano badan".

"Sidaas darteeda, dhamaan isbitaalada waxaa looga digayaa in ay bukaanada leh astaamaha Covid19 ay ku haayaan isbitaaladooda," ayuu raaciyey qoraalka, oo adkeeyay in xili hore lasoo saaro bukaanka.

Balse, wasaaraddu ma aysan kala caddeynin hadii sagaalka ruux ee ku geeriyooday Isbitaal Mariini la xaqiijiyey in ay qabeen fayruska safmareenka ah ee la hubiyey in uu waddanka ku dilay 23 ay ku jiraan mas'uuliyiin.

Balse hadii la xaqiijiyo tiradan cusub waxay tirada guud ee dhimashada ay ka dhigeysaa 32, taas oo ah sarre u kac aad u balaaran.

Tiradda kiisaska caabuqa ee gudaha Soomaaliya ayaa gaareysa 436. Maadaama ay jiraan, dad horleh oo la baaray saacadihii lasoo dhaafay, waxaa la rajeynayaa in ay intaas kasii kordhi doonto, sidda la saadaalinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM