Sahanka Miisaniyadda Qaranka ee 2023-ka oo laga daahfuray Muqdisho

Image
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Sanatarro, Xildhibaanno, ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiyada Maaliyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daah-furay kulan lagu falanqeynayay natiijada Sharciga Miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2023-ka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgaley wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Sanatarro, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS, aqoonyahanno, Warbaahinta madaxa bannaan, ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-guray natiijada guulihii laga gaaray sharciga Miisaniyadda Qaranka ee 2023-ka, caqabadihii jiray iyo muhiimadda ay leedahay  u bandhigidda Sharciga Miisaaniyadda Qaranka qaybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare  Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa faahfaahiyay kaalinta guddiyada Maaliyadda iyo doorka ay ka qaataan guddiyadu, isagoo xusay in ay sii laba laabi doonnaan kaalintooda shaqo iyo ka qayb gelinta bulshada qeybeheeda kala duwan.

Kulanka, waxaa sidoo kale barbar socday doodo gaar gaar ah oo si faahfaahsan loogu falanqeeyay arrimaha Sharciga Miisaaniyadda 2023-ka iyo daah-furnaanta habka loo maamulay, loona qoondeeyay Miisaaniyadda Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM