Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Image
Image
Image

Hordhac 

Waxaa shaki ku jirin dadaalka Bangiyadda Islaamiga iyo doorka ay ka qaataan adeega bulshooyinka kala duwan ee Islaamka. Qiimaynta Maaliyadda Islaamku maanta waxy u dhigantaa  $3.9 trillion oo ku baahsan in ka badan 80 wadan iyadoo inteeda badan ay ku urursan tahay suuqyo kala duwan laakin ay baaxadooda yartahay. 

Isbarbardhigga xogta laga helay ilo kala duwan waxay muujineysaa in 10 waddan oo kaliya ay yihiin ku dhawaad ​​.95% hantida u dhiganta hantida shareecada adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhaqaalaha Islaamku wuxuu ku koray xawli aad u sarreeya sanadkiiba 10%. Marka loo eego warbixinta dhaqaalaha Islaamka ee 2023, wadarta hantida shareecada waafaqsan waxay AYADUNA kori doontaa $5.95 tiriliyan marka la gaaro 2026 inkastoo taasi ay ku xiran tahay horumarka dhaqdhaqaaqa  dhaqaale ee suuqyada Islaamka.

Maaliyadda Islaamka ee Afrika

Wadamada kale ee aduunka sida wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaa hadda bilaabmaya in dhaqaalaha iyo adeega bunuugta Islaamka islaamku uu ka bilaabmo asagoo sagana ku socda si xowli ah. Tusaale xusid mudan; Bishii Maarso 2024, Uganda waxay furatay bangigii ugu horreeyay ee ku dhaqma shareecada Islaamka.

Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 - Salaam Somali Bank Awards Achievements 

Ayadoo laga duulaayo muhiimada in la muujiyo wax qabadka iyo dadaalada Bangiyada Islaamka, , ayaa waxaa laga maarmaan ah in la helo gola qiimeeya horumarka ay gaaraan Bangiyada Islaamka ee Caalamka. Isu taga Isbahaysiga Ganacsiga ee Mas'uulka ah wuxuu suurto galiyay madasha abaalamarinada Bunuugta Islaamka Aduunka.

Sanadka Abaalmarinnada 10aad ee Bangiyada Islaamiga ah 2024 waxaa loo dabbaaldegay hal-abuurka qaybta bangiyada Islaamiga ah, iyada oo la aqoonsanayo hay'adaha muujiyay sida ay uga go'an tahay maalgelinta shareecada waafaqsan.

Salaam Somali Bank

Salaam Somali Bank waa mid fure u ah horumarinta mabaadi'da bangiyada Islaamka ee Soomaaliya.  Salaam Somali Bank waxa uu safka hore kaga jiray kobcinta ka mid noqoshada maaliyadeed ee gobolka iyo bixinta adeegyadii bangiyada. Iyada oo la raacayo hab ku salaysan macaamiisha, bangiga waxaa loo magacaabay Abaalmarinta IRBS 2024.

Salaam Somali Bank waxaa loo doortay Abaalmarintii 10-aad ee Islamic Retail Banking Awards 2024, taasoo muujinaysa sida ay uga go'an tahay inuu heer sare ka gaaro hab-dhaqanka bangiyada Islaamka.

Sanadkan, Guddiga Abaalmarinnada  Banuugta Islaamiga ah (IRBS) ayaa go’aamiyay in Salaam Somali Bank uu helo Bankiga Islaamka ugu Wanaagsan ee Soomaaliya xagga Tayada Adeegga iyo hawlgallada 2024.

Aqoonsigani waxa uu xoojinayaa Heerka bangigu ka taagan yahay ee ah hormuudka qaybta bangiyada  Islaamiga ah, isaga oo gacan ka geysanaya horumarinta maaliyadda ee wadanka .Salaam Somali Bank waxa uu hiigsanayaa in uu kor u qaado bixinta adeegyo bangi oo u hogaansan mabaadi'da Islaamka. Bangigu waxa kale oo uu diirada saari doonaa horumarinta ka-qaybgalka macaamiisha iyada oo loo marayo adeegyo ku habboon iyo xalalka bangiyada dhijitaalka ah.

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM