Sanbaloolshe: Waxaa laygu amray in aan soo xiro Xaaf, balse waan diidey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay lagu amray in uu soo xiro Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], Madaxweynihii Galmudug, balse uu diiday.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay mid kamid warbaahinta gudaha dalka, ayaanan soo bandhigin cidda ku amartay iyo taariikhda la siiyey amarkaas lagu soo xirayay Xaaf, oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii khilaafka ba'an kala dhaxeeyay Villa Soomaaliya.

"Sidoo kale, waxaa laygu amray in aan soo xiro siyaasiyiin badan oo mucaarad ah, balse dhamaan waan diidey," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xirtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo lasii daayey, iyo Mukhtaar Roobow, oo wali xabsi guri ku jira.

Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa sheegay in Fahad Yaasiin, taliyaha haatan ee NISA, uu yahay "kaabaha dowlada madaxweyne Farmaajo".

Sidda uu ka dhawaajiyey Sanbaloolshe, hadafka Fahad Yaasiin ayaa ah inuu xukunka kusii hayo Farmaajo oo haatan hal sano uga hartay mudo-xileedkiisa afarta sano.

"Farmaajo inta uu xukunka arkayo gar ma galeyso. Waxaana ka cabsi qabaa in sidii Siyaad Barre markii xukunka isku dhejiyey wax u burbureen ay Farmaajo gacantiisa ugu burburaan waxa haatan dhisan".

Villa Soomaaliya ayaa aad loogu dhaliilay siyaasadda ay ku wajahdo dhinacyadda kaga aragtida duwan geedi-socodka dib u dhiska dowladnimadda.

Xaaf, madaxweynahii hore ee Galmudug, ayaa khilaaf xoogan kala dhaxeeyay in mudo ah dowladda federaalka, iyadoo madaxda Villa Soomaaliya ku guuleysteen inay xukunka ka tuuraan oo ay ku bedelaan Qoor-Qoor oo kusoo baxay doorashadii Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM