Sanduuqa Madow ee diyaaraddii ku dhacday Bardaale oo "la arkay"
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in "la arkay" Sanduuqa Madow iyo maqal-duubaha diyaaraddii 4-tii bishaan ku dhacday magaaladda Bardaale ee Koonfur Galbeed.
Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada, ayaa tilmaamay in ay sugayaan baareyaasha Kenya iyo Itoobiya si ay wadajir uga soo saaraan qeybaha ay kaga jireen diyaaradda soo dhacday.
Oomaar oo wareysi siiyey idaacadda galabnimo ee laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa tibaaxay in ay "u eg-tahay" in ay badqabaan labada agab oo aysan waxyeelo kasoo gaarin shilka naxdinta ee dhacay.
Wasiirka ayaa qayb ka ahaa wafdi ay ku jireen safiirada Kenya iyo Itoobiya oo shalay booqdey meesha ay diyaaradu ku dhacday oo dhowr kilo mitir u jirtay garoonka diyaaradaha degmada Bardaale.
"Khuburada nala socday meesha waan wada tagnay, way na tuseen meesha ay ku kala jiraan labadaasba [Sanduuqa Madow iyo maqal-duubaha] oo u eg illaa iyo hadda in uusan waxyeelo gaarin oo meesha ku jira, laakiin kaliya waa qiyaas ma caddeyn karno, waxaan sugeynaa khuburada nooga imaan doona Kenya iyo Itoobiya si inaga oo baaritaanka is kula jirna aan meeshaas uga soo saarno labadaas shey ee muhiimka inoo ah," ayuu yiri.
Talaabadaas ayuu ku qeexay mid ay ku xoojinayaa daahfurnaanta baaritaanka, isla markaana ay qaab wadajir ah iskula eegaan macluumaadka aadka loo dhowrayo ee ku jira labadaas agab.
Haddii ay badbaadaan Sanduuqa Madow iyo maqal-duubaha waxay keeni kareysaa in la ogaado sababta dhabta ah ee keentay in ay soo dhacdo diyaaradda African Express oo haatan lala xiriirinayo ciidanka Itoobiya.
Dhanka kale, Oomaar oo lagu cadaadiyey in uu ka jawaabo wararka sheegaya in ciidamada Itoobiya ay soo rideen diyaaradda ayaa si weyn uga gaabsaday, wuxuu ku adkeystay in la sugo natiijada baaritaanka.
"Runtii ma dooneyno in war aan la hubin in aan meelo kasoo dayno, waxaan rabnaa si mas'uuliyadeysan, hadal aan dib nooga soo noqaneynin iyo baaritaan dhab ah oo dadkii laga dhintay iyo dowladooda ay ku qanacsan yihiin; marka ma dooneyno in aan hadda aad ugu mashquulno wax uu sheegay qof meel taagnaa," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.
Ugu dambeyntii, wuxuu meesha ka saarey in shilkaan uu saameyn ku yeelan doono hawada Soomaaliya. "Waxaan rajeynayaa in sidii uu ahaa si ka wanaagsan in ay noqon doonto, shilkaana aan wax ka barano".
GAROWE ONLINE