Saraakiil kasoo goostay Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Image

GARBAHAAREY, Gedo – Taliska Ciidanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah magaaladda Garbahaarey ee gobolka Gedo kusoo bandhigay laba sarkaal oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al-Shabaab.

Guuliye Xareed Maxamed iyo Cabdulle Nasiiri Ibraahim ayaa waxaa lagu waramayaa in ay si iskood ah isugu soo dhiibeen mas'uuliyiinta gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Jubbaland.

Wakaaladda wararka u faafisa Dowladda Soomaaliya ee SONNA, ma aysan soo bandhigin goorta ay soo goosteen shaqsiyaadkan.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan raggan oo illaa iyo hadda kasoo baxay Al-Shabaab, wallow aan looga baran.

Mas'uuliyiinta ayaa ku guuldareystay in ay soo bandhigaan doorka ay kooxda ka hayeen xubnahaan, inkasta oo ay ku adkeysteen in ay baaritaano iyo su'aallo waydiino kadib ay wadaagayaan saxaafada.

Sawirro laga soo qaadey oo warbaahinta la siiyey ayaa nan muujin hadii ay wateen wax hub ah oo ay lasoo goosteen. Lama ogga hadii loosoo qaadi doono Muqdisho ama in halkooda lagu hayn doono.

Gobolka Gedo oo dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu kamid yahay meelaha ay joogitaanka ugu badan ku leedahay maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM