Saraakiil kasoo goostay Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Image

GARBAHAAREY, Gedo – Taliska Ciidanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah magaaladda Garbahaarey ee gobolka Gedo kusoo bandhigay laba sarkaal oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al-Shabaab.

Guuliye Xareed Maxamed iyo Cabdulle Nasiiri Ibraahim ayaa waxaa lagu waramayaa in ay si iskood ah isugu soo dhiibeen mas'uuliyiinta gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Jubbaland.

Wakaaladda wararka u faafisa Dowladda Soomaaliya ee SONNA, ma aysan soo bandhigin goorta ay soo goosteen shaqsiyaadkan.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan raggan oo illaa iyo hadda kasoo baxay Al-Shabaab, wallow aan looga baran.

Mas'uuliyiinta ayaa ku guuldareystay in ay soo bandhigaan doorka ay kooxda ka hayeen xubnahaan, inkasta oo ay ku adkeysteen in ay baaritaano iyo su'aallo waydiino kadib ay wadaagayaan saxaafada.

Sawirro laga soo qaadey oo warbaahinta la siiyey ayaa nan muujin hadii ay wateen wax hub ah oo ay lasoo goosteen. Lama ogga hadii loosoo qaadi doono Muqdisho ama in halkooda lagu hayn doono.

Gobolka Gedo oo dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu kamid yahay meelaha ay joogitaanka ugu badan ku leedahay maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM