Saraakiil uu Mareykanka u tababaray Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan lix askari oo ay ku jiraan laba sarkaal ayaa ku naf-weysay markii laba qarax oo nooca Miinada ah lagula eegtay koonfurta Soomaaliya, maanta oo Arbaco ah.

Weerarka oo noociisa oo kale looga bartay Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaaladda Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in tirro kale oo askar ah ay waxyeelo kasoo gaartay falkan.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in askarta iyo saraakiisha ay ka tirsan xoogaga uu Mareykanka tababaro ee Danab, kuwaasi oo fariisinkoodu yahay saldhiga dhowaan la beegsaday Ballidoogle.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo xaqiijisay geerida ayaa tacsi u dirtay ehelada, iyadda oo soo kabasho iyo caafimaad degdeg ah u rajeyneysa bukaanada Isbitaalka xoogga lagu daaweynayo.

Duulaanka Isniintii lagu ekeeyay saldhiga Ballidoogle oo ciidamo iyo tababareyaal Ameerikaan ah ay ku sugan yihiin ayaa loo adeegsaday qarax gaari iyo weerar toos ah, wallow layska caabiyey.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay in ay weerarkaas ku naf-gooyeen 100 askari. Balse, sheegashadaas waxaa diidey milatariga, oo tibaaxay in uu 10-daqiiqo kusoo afjaray.

Laba duqeyn oo uu Mareykanku qaadey kadib falkaas ayuu ku khaarijiyey 11 kamid ahaa Al-Shabaab, wallow gulufkii xeradda uu dhaawac aanan halis ahayn uu kasoo gaarey askari Ameerikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM